Ma banaantahay in nin biyihiisa lagu beero gabadha?

Ilmaha waa lagu beeri karaa hooyada hadii aabuhu noolyahay, lama ogola in inta laga reebo markuu dhinto kadib lagu shubo, xiriirkoodii wuu go'ay markuu dhintay ayayna ka furantay. Hadii ay noolyihiin meherkiina isku hayo waa lagu beeri karaa maadama aysan awoodi karin inay si dabiici ah ilmihii u qaaddo. Waxaase muhiim ah gacan aamin ah in arrintaas samayso oo qof aan aamin ahayn ama gaal ah ama ujeedo kale leh hadaad amaanada noocaas ah u dhiibto mid gaal buu kuugu dari karaa , ama mid xayawaan , gacantu inay aamintahay waa muhiim. Qof muslim ah oo aamin ah waa inuu noqdaa.

Tixraac: https://youtu.be/_Eir1hGDphA?si=UM7T8p3YlqjzP_sV (Daqiiqada 2:30)

Logo